Nin ajnabi oo DF Somalia ay dooneysay inay ciqaabto oo Muqdisho ka baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu magaalada Muqdisho ka baxsaday dhaqatar ajnabi ah oo loo haystay inuu dharbaaxay gabar Soomaali ah.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dhaqtarkan oo ka shaqeynayey isbitalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ay damiinteen dad Soomaali ah, kadibna uu maalin cad ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dooneysay in ninkaas ay u ciqaabto xadgudubkii uu ku sameeyey gabadha Soomaaliya. Wasiirka ma sheegin in gabadha la dharbaaxay ay ahayd bukaan ama inay isbitalka kala shaqeyneysay dhaqtarka.

Fowsiya ayaa sheegtay inay amar ku bixisay in haddii dhaqtarkaas uu dalka dib ugu soo laabto dib loogu celiyo diyaaradda uu ku yimaado.

Wasiirka, oo shalay ka hadlaysay kulankii baarlamanka Soomaaliya oo su’aalo lagu weydiiyey, ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyin badan lagu qabo dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka iska soo galaya oo cid maamusho aysan jirin.

Arrintaas ayay wasiirka sabab uga dhigtay sharcigii lagu xakameyn lahaa oo weli hor-yaalla baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana aan ansixin.

“Syria iyo Yemen qofka kasoo qaxa ee sheeganaya inuu dhaqtar yahay ma jirto qaab loo kantaroola, sababtoo ah anaga ma sameyn karno sidaas, ayada oo aan la helin sharcigii” ayey tiri wasiirka Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasiirka ayaa sheegtay inaysan wada xumeyn dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka joogo, balse dad badan oo aan dhaqtar ahayn ay magaalada ka howl-galaan.

Waxay ugu dambeyn sheegtay in hadda ay billaabeen inay diiwaan geliyaan dhammaan xarumaha caafimaad ee ajaaniibtu ka furanayaan magaalada, si loo ogaado xaqiiqda aqoonta ay sheeganayaan.