Nin burcad Soomaali ah kala shaqeeyay jabsiga akoon banki oo iibsaday saacad Rolex ah (Sawirro)

London (Caasimadda Online) – Liam Hulston; oo u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa Burcad Soomaali ah kala shaqeeyay in ay jabsadaan Akoon Banggi oo ay lahayd Haweeney,waxaana lacagtii ay siiyeen uu ku iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah.

Ninkan ayaa lacag aan ilaa hadda caddadeeda la sheegin ka bixiyay Akoonka Gabadha oo ay siiyeen Wiilal Burcad Soomaali ah,waxaana isaga ku aadday £88,500 oo lacagta Ingiriiska ah.

£52,000; oo lacagtaas ka mid ah waxaa uu ku iibiyay Saacad Rolex ah oo ka mid ah Saacadaha ugu qaalisan Caalamka .

Saacadaha Rolex-ka ah ee uu iibsaday.

Dhegeysiga dacwaddiisa oo ka dhacday Maxkamad ku taalla London ayaa lagu sheegay in daqiiqado yar gudahood uu lacagaas mariyay akoonno faraadan islamarkaana ka saaray lacagta ay burcadda Soomaalida ah u dirsadeen.

Liam Hulston,oo  25 ah kana soo jeeda degaanka  Stratford Avenue ayaa lagu helay labo dembi oo noocan ah bishii Novemver ee Sanadkii hore,waxaan aay kala ahaayeen mar uu wakiil been ah iska dhigay iyo mar uu Hanti ma guurto ah sheegtay milkiyaddeeda sheegtay.

Jeremy Evans,oo ah dacwad oogaha Maxkamadda  Grimsby Crown Court, ayaa sheegay in Ninkan uu Burcad Soomaali ah oo helay  E-mailka Gabar aan la magacaabin ay ku wareejiyeen akoonkeeda kaddibna ka soo saaray lacag farabadan oo uu saamigaas ka helay.

Liam Hulston, iyo Burcadda Soomaalida ah ayaa ku wada xiriiray Facebook,waxaana Farriin ay u soo direen u dhigneyd “hab aad lacag badan ku sameyn karto”,kaddibna sidaas ayey ku heshiiyeen lacagtaasna ku dhaceen.

Haweeneyda la dhacay ayey warbixintu xustay in ay Soomaali ahayd,waxaana ay ka war heshay akoonkeeda oo la jabsaday inta jabsigaas socdayna ma aysan ogaan.

Liam Hulston,, oo ah Ninka falkan fududeeyay.

Booliska ayaa baahiyay sawiirada Ninkan oo madaxa ka dhaawacan kaddib markii ay jir dileen intii ay socotay qabashadiisa maaddaama akoonnada la mariyay lacagtaas uu ka mid ahaa kiisa gaarka ah.

£400 ama  £500 oo lacag ah ayaa looga qaatay intii uu lacagaas isu marinayay 150 AKoon oo kala duwan saacad gudaheed,iyada oo aysan gabadha ogaan.

Hulston ayaa tagay suuqa Dababka ee Newark jewellers ,waxaana uu halkaas ka iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah iyo adeeg kale oo gaaraya £5,407 , oo lacagta Ingiriiska ah.

£17,452, ka mid ah lacagtaas ayuu ku shubtay akoonkiisa gaarka ah,waxaase uu khasaaray oo akoonkiisa laga saaray £58,382., waxaana Haweeneyda la dhacay dib loogu celiyay dhamaan lacagtii lagala baxay Akoonkeeda.

Hulston, ayey Maxkamadda ku heshay in uu horay ugu lug lahaa 11 fal dambiyeed waxaana sanadkii 2011kii lagu xukumay saddex Sano oo xabsi ah,Maxkamadda ayaa hadda ku xukuntay 21 bilood oo Xabsi ah.

Isha Warkan:grimsbytelegraph.co.uk (Mustaqbal Radio)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com