Nin hooyadii ceejis ku dilay kadib markii ay amartay in uu saaladda subax masjidka kusoo dukado!

Qaahira (Caasimada Online) – Wiil dhalinyaro ah ayaa dilay Hooyadiis  oo ka codsatay inuu wayso qaato isla markaasna isku diyaariyo saaladda Subax Magaalada Suweys ee dhacdo Bariga Masar Subixii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Ninka u qaabilsan dowladda amniga Magaalada ayaa lasoo gaarsiiyey in la dilay haweeney 50 sano jir ah iyadoo lagu ceejiyey xaafadda Xayu Salaam waxaana meesha si deg dega ah usoo gaaray ciidamada Booliska.

Kadib falanqeyn badan waxaa cadaatay in hooyadaan ceeji lagu dilay weliba go, ay wadatay oo ka sameysnaa Xariir waxaana jirkeeda ka muuqday raadka Feer iyo Dharbaaxyo oo kaga yaalay wajigeeda iyo qeybo ka mid ah jirkeeda.

Laba gabdhood oo ay dhashay hooyada la dilay ayaa booliska u sheegay inuu dilka u geystay walaalkood oo lagu magacaabo Maxamed Sharafu-Diin Cabdi Al-Imaam oo 32 jir ah una shaqeyn jiray shirkadda Nasar ee shidaalka Iibiso.

Gabdhahaan ayaa ku sheegay sababta uu ninkaan hooyadiis u dilay inay aheyd markii uu ka dhex dhashay muran ku aadanaa saaladda Subax oo ay hooyada ka codsatay wiilkeeda inuu dukado oo uu masaajidka aado.

Ninkaan dilka geystay ayaa muran badan ka dib iyo qeelo weyso qaatay isla markaasna masaajidka aaday siday ay sheegtay Al-Carabiya net .

Markii uu ninkaan masaajidka kasoo laabtay ayaa waxaa mar kale isaga iyo hooyadiis ka dhex bilawday muran iyo qeeli taasoo keentay inuu maradii ay  waday ku ceejiyo isla markaasna uu ku bilaabo feer iyo haraati ilaa ay nafta ka baxday wuuna ka cararay meesha.

Baaritaan badan ka dib waxaa lasoo ogaaday in wiilkaan uu asbuuc ka hor galay shir gaari xilli uu socday wadada Suweys ee Qaahir, dhibaatadaas kadibna waxaa ku dhacay cuduro nafsaani ah taasoo keentay inuu markasta la doodo hooyadiis iyo  walaalihiis, Xanuunkaan ayaana u horseeday inuu markasta kiciyo mushkilad sidoo kalana uu ka xanaaqo wax aan dhib lahey.

Ugu dambeyntii booliska ayaa soo xiray ninkaan dilka geystay iyadoo laga soo qabtay meel u dhaw masaajidka Xamza Bin Cabdil Mudalib ee ku yaal xaafadda Sabaax, waxaana lagu wareejiyey xeer ilaaliyaasha oo baarayo arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com