27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Nin hubeysan oo xoog ku galay guriga madaxweyne Trump – Maxaa dhacay kadib?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Palm Beach (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxda Mareykanka (Secret Service) iyo booliska maxalliga ah ayaa toogasho ku dilay nin hubeysan waaberigii hore ee saaka oo Axad ah, kadib markii uu xoog ku galay xayndaabka amniga ee xarunta Madaxweyne Donald Trump ee Mar-a-Lago oo ku taalla gobolka Florida, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

Madaxweyne Trump ayaan xilligaas ku sugnayn xarunta, isagoo howlo shaqo u joogay caasimadda Washington.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow baaritaanka, ninka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Austin Tucker Martin, oo 21-jir ahaa, kana soo jeeday gobolka North Carolina. Ninkan ayaa la sheegay in qoyskiisu ay baadi-goobayeen maalmihii lasoo dhaafay kadib markii la waayay raq iyo ruuxdiisa.

Sida ay wax u dhaceen

Bayaan kasoo baxay hay’adda Secret Service ayaa lagu sheegay in ninkan uu watay qori nooca dhowaan-dhaca ah ee loo yaqaan ‘Shotgun’ iyo caag shidaal ka buuxo, waxaana markii ugu horreysay lagu arkay iridda waqooyi ee xarunta abaare 1:30 am aroornimo xilliga Mareykanka.

Taliyaha booliska degmada Palm Beach, Ric Bradshaw, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay saaka oo Axad ah ku faahfaahiyay dhacdadan, isagoo sheegay in labo sarkaal oo ka tirsan Secret Service iyo hal askari oo boolis ah ay ka hor yimaadeen ninka, iyagoo ku amray inuu hubka dhigo.

“Ninku wuxuu dhulka dhigay caagii shidaalka ahaa, balse wuxuu qorigii u taagay qaab toogasho ah, taasoo ku qasabtay ciidamada ammaanka inay rasaas furaan,” ayuu yiri Bradshaw.

 Ninka ayaa isla goobta ku naf-baxay, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka.

Falcelinta Aqalka Cad

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa tiri: “Ciidamada Secret Service waxay qaadeen tallaabo degdeg ah oo go’aan qaadasho leh, taas oo ay khatarta kaga hortageen qof dhimirka la’ oo hubeysan, watayna gaas, kaas oo xoog ku galay guriga Madaxweyne Trump.”

Ilaa iyo hadda laamaha ammaanku ma aysan shaacin ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeyay falkan. Hay’adda dambi-baarista federaalka ee FBI ayaa la wareegtay baaritaanka kiiskan, iyadoo ururinaysa caddeymaha goobta.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray in hay’addu ay “u hurayso dhammaan agabka lagama maarmaanka ah” si loo baaro falkan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Fox News ku sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Trump kadib dhacdada, isagoo u mahadceliyay ciidamada ilaalada.

“Ma ogin in ninkani uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falkan, mid dhimirka ka xanuunsan, ama wax kale,” ayuu yiri Bessent.

Bessent ayaa sidoo kale farta ku fiiqay jawiga siyaasadeed, isagoo ku dhaliilay hadallada kulul Dimoqraadiyiinta in in ay horseedeen dhacdadaas. “Halistan jiritaan ee sunta ah ee ka imaneysa bidixda runtii waa inay joogsataa,” ayuu Bessent yiri kaddib markii uu la hadlay madaxweynaha.

Kororka rabshadaha siyaasadeed

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka Mareykanka uu wajahayo koror xawli ah oo ku aaddan rabshadaha siyaasadeed. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah:

Bartamihii 2024, madaxweyne Trump ayaa ka badbaaday isku-day khaarajin xilli uu olole doorasho ku sugnaa gobolka Pennsylvania, halkaas oo xabbad ay dhegta wax ka gaarsiisay. Sidoo kale, nin hubeysan oo watay qori daran-doorri u dhaca ayaa lagu qabtay meel u dhow garoonkiisa lagu cayaaro Golf-ka ee Florida, kaas oo bishan lagu xukumay xabsi daa’in.

Sidoo kale, Juun 2025, haweeney sharci-dejiye ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, Melissa Hortman iyo seygeeda ayaa lagu toogtay gobolka Minnesota.

Isla dabayaaqadii 2025: Waxaa isna la khaarajiyay Charlie Kirk, oo ahaa ololeeye caan ah oo ka tirsan kooxaha garabka bidix ee xisbiga Jamhuuriga.

- Advertisement -

Read more

Local News