Nin miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolkaas ayaa waxaa lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib toogasho ay ku dileen ciidamada waday howlgalka.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu qarax miino ku aasayey xilligaas waddo ay shacabka isticmaalaan oo ku taalla halkaasi.

Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay howlgalka, marka laga soo tego toogashada ninka qaraxa ku diyaarinayey deegaanka Halgan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku fashilsay weerar qarax miino ah.

Halgan oo ay muddo ku sugnaayeen ayaa Al-Shabaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab laga saaray, kadib howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Hiiraan.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah oo ay ka mid yihiin qaraxyo miino ku qaada ciidamad dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka.