Nin Muslim ah oo wiilkiisa ku sammiyey Donald Trump si uu taajir u noqdo balse xaalad xun ayuu galay!

Kabul (Caasimada Online) – Markii Sayed Asadullah Poya, oo ah 28 sanno jir ah macalin ah oo degan caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan, uu wiilkiisa u bixiyey magaca Donald Trump, rajadiisu waxay aheyd inuu wiilkaani nasiibkiisa bedeli doono isla markaana uu mustaqbalka tujaar noqon doono.

Balse tan iyo markaas, Sayed Asadullah Poya iyo qoyskiisa oo dhan waxay wajahayaan nolol ka adag sidii hore, mustaqbalkiisuna uma muuqdo mid ifaya.

Jamila oo ah xaaska Sayed ayaa wiilkaan dhashay bishii August sannadkii 2016kii, waqtigaas bilyaneerka u dhashay Mareykanka Donald Trump wuxuu ku jiray ololihii doorashada madaxweyne ee USA.

Xilligaas macalin Sayed Asadullah Poya wuxuu dhammeystiray turjumidda buugga Donald Trump ee loogu magac daray ‘Trump: How to Get Rich’ kaasoo la qoray sannadkii 2004tii, maadaama uu wiilka u dhashay lahaa timo-baloonde ah sida Trump oo kale, Sayed Asadullah Poya wuxuu go’aansaday inuu wiilkiisa u bixiyo Donald Trump si mustaqbalkiisu u ifo.

Poya ayaa u sheegay hillinka AFP: “Baaritaan badan oo ku saabsan isaga ayaa sameeyey, ka dibna waxay taasi igu dhiirrigelisay inaan wiilkeyga ku sammiyo. Shaqsiyaddiisa ayaan jeclaaday. Waxaan ku fikiray inuu dhaqaalaha iyo ganacsigaba ku fiican yahay. Sidoo kalena uu yahay nin wanaagsan.

“Waxaan kaloo jeclaaday habka uu u go’aansado sameynta wax walba oo uu doonayo, ka dibna u wajaho una helo”.

Balse qoyska Sayed waxay ka caroodeen tallaabada uu qaaday iyo inuu wiilkiisa ugu magac daro nin aan Muslim aheyn, ka dibna Ururada Islaamka ah ee Afghanistan ayaa kiiskaan ka hadlay kuna tilmaamay mid aan diinta raad ku laheyn.

Sayed ayaa sidoo kale ka guuray halkii ay deganaayeen waalidkiisa isagoo u guuray Kabul, maadaama aabihiis uu caroodo marwalba oo uu maqlo isagoo magaca Trump ugu yeeraya wiilka uu dhalay.

Macalin Sayed markii uu tegay caasimadda Kabul illaa haatan waxba uma hagaagin oo jidadka ayaa lagu aflagaadeeyaa, iyadoo loogu baaqo inuu magaca ka bedelo wiilkiisa. Dadka ayaa sidoo kale ku eedeeya inuu doonayo inuu magan-galyo u fidiyo madaxweynaha USA maadaama uu wiilkiisa ugu magac daray, balse Sayed marwalba wuu beeniyaa wararkaan.

Caasimada Online

Xafiiska Kabul

Caasimada@live.com