Dhaqaalaha ku bixikara doorashada sanada 2020 oo la shaaciyay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay dowlada Somalia ku taameyso in sanada 2010 uu dalka ka dhaco doorasho xor ah, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Xaliimo yareey, ayaa sheegtay inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen.

Xaliimo yareey, waxa ay sheegtay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Xaliimo yareey, waxa ay tilmaantay inay kalsooni ku qabto qaabka ay u dhicikarto doorashada dalka sanada 2010, waxa ayna cadeysay in laga soo jeestay howlaha ugu badan ee lagu qabankaro doorashada.

Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020.

Xaliimo yareey, waxa ay intaa raacisay in doorashada ay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, iyadoo nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo.

Dhinaca kale,Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com