Qubeys la’aan sababtay furriin iyo ubad la’aanta qoys dhisnaa 10 sanno

Taipei (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Taiwan ayaa dhowaan furay xaaskiisa ka dib markii uu ogaaday inay sannadkiiba hal jeer meyrato.

Ninkaan oo aan la magac dhabin ayaa xaaskiisa oo ku caan ah naaneysta Lin ku furay Maxkamadda New Taipei City District Court, maadaama qubeys la’aanteedu ay sababtay in aysan wax caruur u dhalin muddo 10 sanno ah oo ay labadoodu isqabeen.

Lin ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in aysan dhaqin timaheeda ama aysan caddaysan ilkaheeda.

Nafaafadda Lin ayaa noqotay mid su’aal laga keeni karo maadaama ay Isbuuciiba mar qubeysan jirtay markii ay la haasaaweysay seygeeda.

Sidoo kale nolosha lammaanahaan ayey arrintaani saameyn ku yeelatay, maadaama ay sannadkiiba keliya hal jeer galmo sameeyaan, taasoo malaha sabab u ah caruur la’aanta heysata inkastoo ay muddo dheer isqabaan.

Caasimada Online

Xafiiska Taipei

Caasimada@live.com