Nin oday ah oo isku dilay Muqdisho kadib xaalad…

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya nin oday ah oo barqanimadii maanta isku dilay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo da’ahaa ayaa la sheegay inuu isku dilay Toorey, xilli uu ku sugnaa qeybta lagu iibiyo maacuunta ee suuqaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo isugu soo xoomay goobta ayaa inoo sheegay in ninkaasi uu Mindida isaga dhuftay dhuunta ama qoorta, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu isku dilay marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka tuugsan jiray suuqa, islamarkaana ay la soo daristay xaalad adag.

Sidoo kale Meydkiisa ayaa lagu soo warramayaa inuu weli yaallo goobta , islamarkaana ciidamada ammaanku ay sugayaan ehellada ninkaasi, si loogu wareejiyo.

Suuqleyda Bakaaraha oo si aad ah uga naxay falkaan ayaa sidoo kale hadal haya dhacdadaasi.

Ma’ahan falkan dhacdo ugub ku ah gudaha caasimada iyadoo todobaadkii la soo dhaafay uu is dal-dalay nin ku jiray xero dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafada Black Sea.