Stokholm (Caasimada Online) – Sweden ayaa Khamiistii dacwad argagixiso ku soo oogtay nin 23 jir ah oo haysta dhalashada Sweden kana soo jeeda Suuriya, ka dib markii lagu eedeeyay dhowr “dambi argagixiso” oo ay ka mid yihiin laba isku day oo uu ugu safri lahaa Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha.
Warqadda dacwadda ayaa lagu xusay in ninkan sidoo kale lagu eedeeyay inuu maalgelin iyo isku day maalgelin u sameeyay Daacish isaga oo adeegsanaya lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrencies), isla markaana uu ka tirsanaa ururkaas.
Xeer-ilaalintu waxay sheegtay in isku daygiisii safarka ugu horreeyay uu dhacay 4-tii September 2023, markaas oo uu qorsheeyay inuu u ambabaxo Soomaaliya. Isku day labaad ayuu sameeyay 18-kii Maarso sanadka xigay, isaga oo sii marayey Sacuudi Carabiya.
“Labada jeerba waa la qabtay. Markii ugu horreysay waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Itoobiya meel ku dhow xadka Soomaaliya. Markii labaadna waxaa xiray ciidamo Soomaaliyeed,” ayuu xeer-ilaaliye Carl Mellberg u sheegay weriyayaasha.
Si kastaba ha ahaatee, Mellberg ayaa sheegay in aan si buuxda loo caddeyn karin waxa uu ninku ka damacsanaa gudaha Soomaaliya.
“Maadaama uusan waligiis gaarin halkii uu u socday, ma dhihi karno doorkiisa saxda ah waxa uu ahaan lahaa. Laakiin wax kasta oo ay ahaayeen, waxay ahaayeen howl firfircoon oo uu kaga dhex shaqeyn lahaa Daacish, mana ahayn wax ka hooseeya ku biirista safafkooda dagaal,” ayuu raaciyay.
Dacwadda ka dhanka ah ninkan ayaa sidoo kale sheegaysa inuu helay tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan samaynta iyo adeegsiga walxaha qarxa “kuwaas oo si gaar ah loogu tala galay in loogu adeegsado falal argagixiso”.
Ninkan ayaa deggen koonfurta Sweden, waxaana la sheegay inuu saaxiib dhaw la yahay nin kale oo 22 jir ah oo maxkamad lagu xukumay bartamihii Febraayo, ka dib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin safarro dibadeed oo ujeedkoodu ahaa argagixiso, qaar ka mid ah safarradaasna la qorsheeyay iyaga oo iskaashanaya.
Maxkamadeynta 23-jirkan ayaa lagu wadaa in ay ka bilaabato 3-da Diseembar, waxaana dacwadda lagu dhagaysan doonaa muddo saddex maalmood ah, iyada oo kiiska lagu qaadi doono maxkamadda Attunda ee Sweden.
Kooxda Daacish ayaa saamayn kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida, balse khubaro ammaanka ah ayaa muddooyinkan ka digaya dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo ay Daacish ka waddo dalka.

