Ninka British-ka ah ee ku xiran Muqdisho oo xabsiga dhexe ay ku weerareen maxaabiis Daacish ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ninka Britsih-ka ah ee magaalada Muqdisho ugu xiran eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxo doonayey inuu la koro diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa waxaa lagu weeraray xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Anthony Thomas Cox ay weerar ku qaadeen laba ka mid maxaabiista mintidiinta ah ee falalka argagixiso ugu xiran xabisga, kana tirsanaa Daacish.

Ilo-wareedyo dhanka amniga qaabilsan ayaa Caasimada Online u sheegay in maxaabiistan ay sakiin ku weerareen Anyhony.

Anthony Thomas Cox ayaa waxaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay ka gaareen qoorta.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhowaan amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Anttony Thomas oo ah 48 jir.

Anthony Thomas  ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ka qabteen Anthony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com