Ninka ku eedeysan dilka Suleeqo Yuusuf Axmed oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay in la qabtay nin lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey dil haweeney meydkeeda laga helay hotelka Caamir ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda la dilay ee Suleeqo Yusuf Axmed ayaa la sheegay in ka hor inta aan la dilin la kufsaday.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twtitter-ka ku sheegtay in Hoggaanka Dembibaarista CID ay ku guuleysteen inay soo qabtaan ninka eedeysan oo magaciisa lagu sheegay Bishar Abdirisaq Maxamed.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaala degmada Howlwadaag..” ayey tiri Zakiya.

Ninkan lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka Suleeqa ayaa la sheegay in uu sameeyay farsamooyin badan si aan raadkiisa loo helin, waxa uuna ninkan lacagtii kirada Hotelka ka tuuray telfoonka gabadha uu dilay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com