Sawiro: Ra’isulwasaare Kheyre oo lagu wareejiyey hub badan iyo gaadiidka dagaalka

Xiraale (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaare Soomaaliya oo Booqasho ku tagay deegaanka Xeraale ayaa halkaas kala kulmay soo dhaweyn aad u sareyso.

Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ku sugnaa Sanadyadii ugu dambeeyay.

Maleeshiyaadkaan hubeysan ayaa dagaal kula jiray Ciidanka Ahlusunna oo ay sheegeen in ay dhowr jeer degaanka ay soo wareereen,islamarkaana ay ku laayeen dad Shacab ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dhalinyaradda degaanka ah dhaqancelin loo sameyn doono,islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana sidoo kale dowladda ay la wareegi doono Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday inay ciidamadaas gacanta ku heyn doonto Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha iyo Odaayasha dhaqanka ayaa isku soo hadal qaaday arrimo doorashada Galmudug, waxayna ballan qaadeyn inay ka qeyb qaadan doonaan.