Ninkii Muslimiinta ku laayey laba masjid oo ku yaalla New Zealand oo xukun lagu riday

Christchurch (Caasimada Online) – Brenton Terrant, oo ah ninka caddaanka ah ee 51-ka qof ee Muslimiinta ahaa ku laayey laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa’in.

Terrant ayaan muujin wax falcelin ah ayada oo garsoore Cameron Mender u uku dhowaaqay go’aanka maxkamadda, taasi oo soo geba-gebeysay afar maalmood oo la dhageysanayey dacwadda oo ay ka marqaati fureen qaar ka mid ah dadkii weerarka ka bad-baadayey, iyo ehellada kuwii la laayey.

“Sida aan cabiri karo, waxaad tahay qof maran oo aan wax calool dabac ah u hayn dhibanayaashiisa,” ayuu garsoore Mender u sheegay Terrant, isaga oo dilaaga ku qeexay “qof doqon ah oo ay dhiiri-gelisay naceybka dad uu u arkay inay ka duwan yihiin.”

“Waxaan tahay qof naftiisa un ay ku weyn tahay. Wax cudurdaar ah ma aadan bixin, mana aadan qiran waxyeeladii aad gaysatay. Waxaa muuqata oo kaliya inaad diiradda saartay naftaada iyo halka aad joogtay,” ayuu yiri.

Dilaaga ayaa go’aansaday inuusan hadlin oo uu uusan is-difaacin.

29-jirkan oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ayaa weeraray muslimiin salaaddii Jimcaha ku gudanayey Masjidka Al Noor iyo Xarunta Linwood ee Dhaqanka Islaamka, 15-kii March ee 2019.

Xukunka ay ridday Maxkamadda Sare ee New Zealand ayaa ahaa kii ugu adkaa tan iyo 1961-kii, markaasi oo New Zealand ay joojisay xukunada dilka toogasho.