Sidee ayuu ganacsade hore oo FOREX u fududeeyey weerarkii Xabsiga Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaabkii gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho looga dhex abaabulay weerarkii 10-kii bishan August ka dhacay xabsigaasi, kaasi oo ay fuliyeen maxaabiis Shabaab ah.

Weerarkaasi ayaa qorshihiisu soo socday muddo, sida uu baahiyay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da, kaasi oo ugu dambeyntii fulay muddo ku siman labo toddobaad ka hor.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan soo bandhigay baaris dheeri ah oo la xiriirta weerarkaasi, isagoona banaanka keenay qaabkii ay maxaabiista ugu suurto-gashay inay hub helaan iyo weliba cidii u fududeysay.

Maxaabiistaasi oo uu horkacayo nin lagu magacaabo Ibraahim Maxamuud Maxamed “Gama’diid” oo ahaa maskaxda ka dambeysay qorshaha weerarkaasi ayaa dhowr jeer ku guuleystay in gudaha xabsiga soo galiyaan hub qarsoodi ah.

Gama’diid iyo saaxiibadiisi la xirnaa ee loo haystay falalka argagixiso ayaa waxa suurto-gashay inay gacanta u galaan hubkaasi, kaasi oo uu fududeeyey ganacsade kula xirnaa xabsiga dhexe.

Ganacsadahaasi oo lasoo xiray bishii Maarso ee sanadkan, ayaa gudaha xabsiga uga ganacsan jiray iibinta Hilibka iyo Khudaarta, kaasi oo loo soo xiray dad uu lacago uga qaatay suuqa Forex.

Maxaabiista ururka Al-Shabaab ayaa ku guuleystay in hub iyo bambaanooyin loogu soo dhex qariyo Hilibka iyo Khudaarta ganacsadahaasi uu gudaha u galiyo xabsiga dhexe, sida uu baahiyay Galka Baaristu.

Qorshaha weerarkaasi ayaa bilaabmay 8-dii bishan, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah oo gudaha loo geliyay xabsiga, halka 10-kii bisha oo ah maalinkii weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah.

Weerarkaasi oo qaatay saacado badan, ayaa ugu dambeyntii ciidamadu ku guuleysteen soo afjaridiisa, kaasi oo loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastooladihii u gacan galay maxaabiistii Shabaabka ahaa.

Intuu socday weerarkaasi ayaa waxa suurto-gashay inuu xabsiga ka baxsado Mubaarak Ibraahim Iidle oo kamid ahaa maxaabiistii fulineysay weerarkaasi, lana xukumay sanadkii 2014, iyada oo xiligaasi lagu xukumay toban sano oo xarig ah.

Waxaana weerarkaasi ku dhintay 19 qof, oo 15-kamid ah ay ahaayeen maxaabiista, halka Afarta kalena ay ka tirsanaayen ciidamada, iyada oo ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale.

Weerarkaasi ayaa banaanka usoo saaray habacsanaanta amni ee ka jirta gudaha xabsiga dhexe, iyada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay guud ahaanba habacsanaanta amni ee caasimada.