27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

NISA oo shaacisay xogta 3 howlgal oo lagu beegsaday Al-Shabaab iyo khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay saddex howlgal oo todobaadkii hore ka kala dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, laguna beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo shabaab ahaa, laguna gubay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo ay kooxdu lahayd.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgalka 1-aad oo dhacay 12-kii bishaan Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

NISA ayaa intaasi kusii dartay inay sii wadi doonto beegsiga kooxaha Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaannada ay ku sugan yihiin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Howlgallada ayaa xoogooda haatan waxa ay ka socdaan Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud oo mar kale ay xoogga soo saareen Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanno horay looga xoreeyay, kadib markii ay kasoo baxeen ciidanka dowladdda iyo Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News