NISA oo gacanta ku dhigtay kiimikada qaraxyada oo loo waday kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya, islamarkaana loo yaqaano NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay maadada laga sameeyo qaraxyada ee Sulfuric Acid iyo shaqsiyaadkii dalka soo geliyey.

War qoraal ah oo ka soo baxay NISA, laguna shaaciyey barta Twitter-ka ee hay’addaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen kiimiko 79 tan oo ah maadada Sulfuric Acid iyo dadkii waday.

Sidoo kale NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in loo waday dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli weeraro qaraxyo ah iyo dagaallo ka wada gudaha dalka.

NISA ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in dadka la soo qabay ay mari doonaan sharciga, islamarkaana baaritaanka lagu hayo ay iska kaashan doonaan NISA & hay’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada.

“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada,: ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah.

Ma shaacin NISA halka lagu qabtay kiimikadaasi laga sameeyo qaraxyada ee ay sheegtay in loo waday kooxda Al-Shabaab iyo tirada dadka gacanta lagu dhigay.

Si kastaba ha’ahaatee marar badan ayaa horey loo shaaciyey in Al-Shabaab hubka ay adeegsato uu ka yimaado dibadda, islamarkaana si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalka.