Xasan Sheekh oo shaaciyey in musiibadii Zoobe aysan weli soo xirmeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar uu ka hadlayey sanad guuradii ka soo wareegtay qaraxii argagax lahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe, ku baaqay midnimo iyo wadajir.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii markale ka tacsiyadeeyay eheladooda dadkii ku naf waayey qaraxaasi oo dhacay xili ay saxmad badan ka jirtay isgoyskaasi, kuna tilmaamay mujaahidiin.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in marnaba aan si fudud lagu hilmaami doonin dhiiga dadkii aan waxba galabsan ee ku baxay gacmaha nabad diidka, kuwaasi oo caadeystay dhiiga dadkeena, sida uu hadalka u dhigay.

Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasoo xiro mashaqada ka dhacday isgoyskaasi, isagoona carabaabay in wadad keliya ee lagu soo afjari karo ay tahay in cadaalada la hor-geeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

“Ehelkii iyo qaraabadii ay dadkaas ka baxeen waxaan leeyahay, Samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo, jannadii Fardowso Alle ha geeyo, kuwa lagu tilmaami karo inay mujaahidiin ahaayeen waa kuwaas,” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Lama illoobi karo lagamana sii socon karo, waa arrin u baahan in la soo xiro, mana xirmeyso ilaa dadkii waxaan ka dambeeyay la soo helo oo caddaaladda la hor keeno”.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wada-jir ah ugu soo horjeestaan kooxaha argagixisada ah ee dhiigooga xalaashaday, isla markaana gebi ahaanba looga takhaluso.