NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmameed ah ayaa waxaa fuliyay ciidamada gaarka ee Duufaan, kuwaas oo ku daatay guri ku yaalla xaafaddaasi, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay halkaas kasoo kaxeysteen laba nin iyo gabar, kuwaas oo ay la aadeen xaruntooda, si ay ugu sameetaan baaris dheeraad ah.

Sidoo kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka gacanta ku soo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay wediiyeen su’aallo, kadibna ay sii daayeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen howlgalkaasi ee ay ciidamada NISA ku beegsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa qayb ka ah howlaha ay ciidamada ammaanka ku sugayaan amniga caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayey.

Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday.