25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

NISA oo howlgal culus ku dishay xubno Al-Shabaab ah, kuna burburisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay saq-dhexe ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaday in howlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamadeeda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay ugu yaraan illaa 7 dhagar-qabe oo ku sugnaa goobta la beegsaday.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in la burburiyay kayd hub ah oo ay kooxda ku lahayd halkaasi, kadib markii lala helay gantaal culus.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in howlgalkan uu daba socday weerarrada lagu hayo kooxda ee maalmahan ka dhacayay Shabeellaha Hoose.

“Howlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay”. ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale, waxaa digniin loo diray dadka shacabka ah ee ku sugan deegaannada ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab, iyaga oo ka codsaday inay ka fogaadaan, si aysan waxyeelo uga soo gaarin weerarrada lagu hayo.

“Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454” ayaa lasii raaciyay.

Duqeyntii ugu dambeysay oo ka dhacday deegaanka Maxaa Siciid ayaa waxaa dhibaato ay kasoo gaartay dad rayid ah oo ganacsato ay ku jirtay, kuwaas oo kooxd u yeertay, kadibna waxa ay la kulmeen howlgal cirka ah oo lagu qaaday, kaas oo sidoo kale ay ku dhinteen horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada.

 

- Advertisement -

Read more

Local News