Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, laguna dilay ninkii soo abaabulay qarixii 18-kii Maarso 2025, Madaxweyne Xasan Sheekh lagula eegtay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.
NISA ayaa magaca sarkaalka la khaarijiyay ku sheegtay Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).
Ninkan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu dilay duqeyn ay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in horjoogahan lagu raadjoogay tan iyo markii uu dhacay qaraxii uu ka badbaaday Xasan Sheekh, waxaana sidoo kale uu ka dambeeyay qaraxyo kale oo shacabka lagu dhibaateeyay, sida lagu xusay qoraalka.
Wararka ayaa sheegaya in gaari NOAH oo uu la socday horjoogahan lagu duqeeyay agagaarka deegaanka Ugunji oo hoos-tagta degmada Qoryooley, halkaas oo ugu dambeyn lagu Soo afjaray.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-
War Saxaafadeed
Muqdisho, September 09, 2025: Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).
Horjoogahan oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaas oo lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha JFS, 18-kii Maarso 2025, ayaa galabta lagu soo afjaray howlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ay saarnaayeen isaga iyo dhagar-qabe kale.
Horjoogaha ayaa sidoo kale ku lug lahaa Qaraxyo iyo falal kale oo amni-darro ah kuwaas oo dad shacab ah lagu dhibaateeyay, waxaana si toos ah loogu raad joogay tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Ceel-gaabta.
NISA waxa ay soo gudbin doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta howlgalka iyo dhagartii horjoogahan.

