NISA oo si rasmi ah caawa u shaacisay xogtii ay Caasimada Online qortay 29-kii September

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA ayaa caawa shaacisay in ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen koox ka shaqeysa lacag dhaqidda, arrintan oo si rasmi ah u shaacisay xogtii ay Caasimada Online daabacday 29-kii September.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA oo lsoo dhigay barta Twitter-ka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay qabteen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.

Shabakadda lacagta dhaqda ayaa laga qabtay laba ruux halka kuwo kalana lagu daba jiro, sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

“Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka Mudane ka tirsan golaha shacabka, Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon,”. Ayey tiri NISA.

Inkasta oo warkan ay NISA caawa shaacisay, sidoo kalena warbaahinta Soomaalida ka wada qaateen, haddana Caasimada Online waxay xogtay qortay 29-kii September. Halkan ka aqri warkii aan qornay xilligaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com