25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Nolosha Ilhaan Cumar oo helis xooggan ku jirta

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Cabsi xoogan oo dhanka amniga ah ayaa haatan  soo wajahday Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka.

Ilhaan ayaa dalbatay ilaalo dheeri ah oo suga ammaankeeda, kadib markii ay la kulantay hanjabaadyo ku aadan in la dili doono.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa loo adeegsaday erayo xanaf leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin “urtada Soomaaliya” iyo “in qori lagu dili doono.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Ilhaan oo u warramay Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in kiiskan ay haatan baareyaashu gacanta ku hayaan, islamarkaana ay hubinayaan, haddii uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan xisbiga Jamhuuriga oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka uu meel mariyey in Congress-ka laga eryo Ilhaan Cumar.

Gabadhan Soomaali Mareykanka ah ayaa tan iyo doorashadii dhexe ee Mareykanka waxa uu loolan adag kala dhexeeyaa Madaxweyne Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News