Nolosha madaxii hore ee Interpol oo shaki la geliyey

Beijing (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar shaki galinaaya nolosha madaxii hore ee Hay’ada booliska aduunka ee Interpol Meng Hongwei kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo.

Madaxii hore ee Interpol Meng Hongwei ayaa la sheegay in dowlada Shiinaha ay ula dhaqantay qaab ka baxsan sharciga kadib markii ay waxyeelo u geysteen.

Haweeneyda u dhaxda Meng Hongwei oo lagu magacaabo ms Grace Meng, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay ninkeeda oo aysan ka heyn macluumaad dhab ah.

Ms Grace Meng, waxa ay sheegtay in dowlada Shiinaha ay si fool-xun ula dhaqantay ninkeeda, balse waxa ay shaki galisay nolosha ninkeeda, xili ay wareysi siineysay Idaacada bbc.

Ms Grace Meng, ayaa sheegtay in aysan xaqiijin karin in uu nool yahay ninkeeda iyo inkale, waxa ayna carabaawday in mar hore ay ugu wardanbeysay.

Sidoo kale, ms Grace Meng waxa ay tilmaantay in Meng Hongwei laga waayay Xabsiyada Shiinaha, hase yeeshee aysan xaqiijin Karin halka uu ku danbeeyo nolol iyo geeri.

Ms Grace ayaa sheegtay in caruurteeda ay uga sheekeyso,in aabahood uu aaday safar dheer soona laaban doono.

Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaantay qaabka sharci darada ah,oo dowlada shiinaha ay ula dhaqmeyso shaqsiyaadka la mid ah Meng.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com