Awoodii kacaanka & wada tashi xumadii “USC” ayaa abuuray amuurta taagan

1969-kii 21ka Octobar oo ku beegan maanta ayeey aheeyd maalintii ay Soomaaliya ubilaabatay dumquraadiyaddii kajirtay dalkeena laga afduubay lana galiyay in awood ciidan lagu maamulo dalka.

Waxaa xirmay xurriyaddii hadalka,xurriyaddii xisbiyada iyo xurriyaddii is’doorasho,waxaa hirgalay hal awood oo loogu magac daray kacaankii aniga unbaa idiin taliya.

Marka loo fiiriyo xagga wanaagga dalku wuxuu cagta saaray in uu noqdo dal leh cudud Millatari iyo mid amni.

Dhnaka kale waxaa dalka ka dhacay danbiyo aad u waaweeyn sida ~Sinnaanta rag iyo dumar oo aheeyd mid ka hor imaanaysay Aayaadkii ilaaheey maadaama aynu nahay dad Islaam ah kuna dhawaaqay Hogaankii talada haayay,dilalkii wadareedka ee kadhacay deegaanka Jaziira,dilalkii aadka u xumaa ee wadaaddada iyo duullaankii lagu qaaday dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda goballada waqooyi ee hadda lamagac baxay Somaliland.

Soomaaliya 21sano oo ay kacaankaa gacanta ku heeysay ayaa si lama filaana kooxo ku hishiisan in latuuro xukunkaa jiray oo aan hishiis ku aheeyn waxa ka dambeeyn kara ayaa hirgalay ,waxaana dhacay musiibooyin waa weeyn oo gaartay is’aamin darro aan illaa hadda wali uusan ka kabsan dalkeena.

Aragtiyada laga qabo Kacaanka ayaa ah mid aad loogu kala aragti duwnaa saxnaantiisa iyo qaladaadkiisa taasoo iyadana taagan wali.

Soomaaliya kacaankii kadib waxay yeelatay 6-5 doowladood oo laba kamida aysan aheeyn Dowlado kumeel gaar ah.

Dalku wuxuu lahaa dastuur leeysku raacsanyahay oo lasameeyay 1960kii kaas oo qorayay Jamahuuriyadda Dimquraadiga Soomaaliyeed.

Sanaddii 2000 ayaa waxaa dalka Djabuti lagu laalay dastuurkii 1960kii oo intii ka qeeyb gashay carta badankood isku raaceen in la badalo,waloow ay jireen dalal qayb ka ahaa in dastuurkaa Soomaalida ka guurto .

Federal ayaa dalka soo wajahay kaasoo laga hormariyay qaanuunkii lagu hagi lahaa .

*Waa aragtideeyda gaaban inta aan garaysanahay .

Mahadsanidiin!
W/Q: Hassan Abdikadir Mudey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid