24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 5, 2025

Maxaa kamid ah qodobada shirka ka furmaya Garowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Saaka ka furmo Magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo dhammaantooda ku sugan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Shirka waxaa ka maqan Hogaamiyaha maamulka  Hir-Shabeelle oo horay u qaadacay shirarka ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 10-kii bishan waxaana magalada Garoowe ku sugan martida shirka.

Shirka ayey madaxda maamul Goboleedyada waxa ay uga hadli doonaan xaalada dalka ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasada,waxaana lagu wadaa in gaba gabada shirka laga soo saaro qodobo.

Shirka qodobada diirada lagu saari doono ayaa waxaa xitaa kamid noqon doona khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul  goboleedyada kaa oo sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro go’aamo adag oo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan aqoonsaneyn qodobada kasoo bixi doona shirka maadaama uu jiro khilaaf sababay kala irdhoobida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News