Madax goboleedyada oo war-saxaafadeed ka kooban 7 qodob kasoo saaray Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga madax goboleedyada ayaa ka hor-yimid doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee xildhibaanada Gamudug ay Axmed Baasto ugu doorteen madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug. Qoraal ka kooban 7 qodob oo ay golaha soo saareen, hoos ka aqriso.

WAR-MURTIYEED
Garowe
TAARIIKH; 20-Oct 2018

Kulan deg dega oo hor dhac ah oo ay Golaha Iskaashiga Dowlad Gobleedyadu maanta ku yeesheen Magaalo Madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxay ka soo saareen War-Murtiyeed ku aadan Warka waxba kama jiraanka ah ah ee koox fidmo wadayaal ah ka soo saareen Magaalada Caddaado.

  1. Goluhu wuxuu cod dheer ku beeninayaa warka lagu sheegay in Madaxweyne cusub loogu doortey Dowlad Goboleedka Galmudug kaas oo ay hormuud ka yahiin koox fidmo wadayaal ah oo fadhigoodu yahay Cadaado gacan dhaqaalana ka helaya dowlada dhexe kuwaas isu bahaystey burburinta Galmudug. 
  1. Dhamaan Beelaha wada dhistey Maamulka Dowlad Goboleedka waxay soo gaarsiiyeen Golaha fariin cad oo ay shakiga kaga saarayaan muqadisnimada madaxweynanimada Mudane Ahmed Ducaale Xaaf, sidaas darteed Madaxweynaha dhabta ah ee sida rasmiga ah dadka rer Galmudug u doorteen ee la aqoonsanyahay uu yahay Ahmed Ducale Xaaf.
  1. Goluhu wuxuu Dadka Somaaliyeed, UN, urur Goboleedka IGAD, iyo beesha caalamka ku war galinyaaa in dowlada dhexe ay ku hayso dadka iyo deegaanka Galmudug dagaal joogta ah oo lagu burburinayo Maamulka ay dadka rer Galmudug soo dhisteen ee hogaamiyo Mudane Ahmed Ducaale Xaaf iyagoo adeegsanaya kooxo ka baayac mushtara Colaadaha.
  1. Waxaa nasiib daro iyo wax laga naxo ah in iyadoo dalku ku jiro marxalad adag oo amni, dhaqaale iyo bulshso hadana uu hogaankii dalku ka shaqeynayo burburinta waxii yaraa ee bulshadu sameysatey taas oo dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay meel uga soo wada jeedsadaan si looga hortago in dib loogu noqdo waxii sababay meesha uu dalku hada marayo. 
  1. Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalata abaabulada colaadeed ee dowlada dhexe ka dhex hurinayso beelaha wada dhistey Maamulka Galmudug taas oo hada qarka u saaran in ay faraha ka baxdo. 
  1. Wuxuu Goluhu ka xunyahay in dadaaladii ku aadanaa xal u heilida khaliifkii u dhaxeeyey dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay hormuudka ka ahaayeen Aqalka sare ay fashilmeen iyadoo Guluhu mar walba diyaar u ahaa hadana u yahay in khilafkaas si nabad ah oo ay danta dadka iyo dalka ku jirto lagu xaliyo. Tani waxay ka markhaati ka caysaa sida dowlada dhexe uga go’aantahay burburinta nidaamka federaalka. 
  1. Goluhu Wuxu ugu baaqayaan Urur Goboleedka IGAD, UN iyo beesha caalamka in lasoo faragaliyo xaalada si looga baaqsado in taladu faraha ka baxdo madaama dadaalkii Aqalka sare fashilmay.

Dhammaad