Aqalka Sare oo Farmaajo & KHEYRE u qabtay 3 cisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay halka uu ku dambeeyay dhex dhexaadinta uu Golaha Aqalka Sare ka dhex waday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 17-kii Bishii hore ay wufuud u direen Dowlad Goboleedyada, isla markaana ay ka keeneen warbixino la xiriira cabashooyin ay ka qabaan dowladda una gudbiyeen Xukuumadda Federaalka.

Guddoomiyuhu waxa uu cadeeyay in XFS aan weli laga helin wax jawaab ah,isla markaana ay qaadatay waqti dheer hase yeeshee aan weli wax go’aan ah ka soo bixin dhinaca Xukuumadda.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay la daahday Mudadii loogu tala galay in ay jawaab siiso Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada laga dalbanaayo in ay bixiyaan jawaab deg deg ah  si loo soo Afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya loo qabtay laga bilaabo maanta ilaa 22 Bishaan in uu bixiyo Jawaab ku aadan Cabashadda maamul goboleedyadda ee loo gudbiyay.

Sidoo kale, Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu Go’aan ka soo saari doono Aragtidiisa Khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada hadii  Madaxweynaha ama Xukuumadda ay ku guul dareestaan labada qodob aan kor ku soo sheegnay.

Docda kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in maamul goboleedyadda ay dhowr jeer ka codsadeen in ay dib u dhigaan Shirka maamul goboleedyadda,islamarkaana ay aqbaleen laakiin dowladda dhexe ay ku guuldaraysatay in ay jawaab Bixio.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com