Laba macallin oo lagu dilay magaalada MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa magaalada Muqdisho lagu dilay maamulayaal Iskuul.

Dilka Maamulayaashaan ayaa waxa uu Salaadii Maqrib kadib ee caawa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka.

Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay maamulaha Iskuulka Alfuraad iyo ku-xigeenkiisa.

Dilka labada maamule kadib ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga qaatay qalab sida Mobelo iyo Computero ka kooban oo ay wateen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maamulayaasha la dilay ee Iskuulka AlFuraad lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku-xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii dilka geystay oo markii horaba kasoo raacay meel ku dhow iskuulka.

Dhinaca kale,  waxaa dilka ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somalia oo saldhig ku lahaa goob aan sidaa uga sii fogeyn halka uu dilka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com