Noocee ayey noqon kartaa doorashada ay ku baaqeen madax goboleedyada dalka?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe war-murtiyeed ay kasoo saareen shirkoodii Dhuusamareeb ku sheegay in maadaama dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho “qof iyo cod ah” loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay “nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan”.

Hogaamiyayaasha ayaa sido kale ku martiqaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inay kasoo qeybgalaan kulanka labaad ee ka dhici doona Dhuusamareeb, kaasoo aanay shaacin xilliga uu qabsoomi doono.

Labada mas’uul ayaan welika hadlin waxa ay ka yeelayaan martiqaadka loo fidiyay.

Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada dadban ay noqon karto mid u dhaw tii 2016 ee baarlamaanka hadda jooga lagu soo xulay balse la badiyay tirada dadka codeynaya.

“Waxay noqon kartaa wixii 2016 dhacay oo la sii hagaajiyay oo xoogaa horumar ah lagu sameeyay. Tiradii waagaa codeysay in tiro ka badan ay codeyso oo meelihii laga codeeyay kuwo ka badan hadda laga codeeyo. Laakiin ay ergo codeyso oo aanay noqon muwaadin kasta ayaa codeynaya,” ayuu yiri Prof Afyare.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa 27-kii June sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habka casriga ah ee Biometric-ga ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021.

Arintaasi ayaa waxaa ku gacan-sayray mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo sheegay inay gogol xaar u tahay muddo korarsi ay doonayaan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka.

“Nuxurka war-murtiyeedku waa in haddiiba ciddi ka raja qabtay in muddo kororsi la sameeyo uu hadda albaabkaasi soo xirmay,” ayuu yiri Afyare.

Mucaaradka iyo Dhuusamareeb II

Madaxda maamul goboleeda ayaa kulanka labaad ee Dhuusareeb ka dhici doona ku martiqaaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka oo keliya, iyagoo ka tegay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka.

Prof. Afyare ayuu ku doodayay inay dhinacyadaasi ay mudan yihiin in laga talageliyo hannaanka doorashada, maadaama ay kamid yihiin saamileyda siyaasadda.

“Mar waliba qolada mucaaradka ah ee danta ka leh kursiga waa in ra’yigooda la helaa. Meelaha qaarkood guddiyada doorashada ayay xubno ku darsadaan, laakin anagu waxayaga way iska cusub yihiin. Marka waa in si uun loola tashado oo la yiraahdo xitaa haddii aydaan go’aanka gaareyn talada wax ka yeesha,” ayuu sheegay Afyare.

Soomaaliya ayaa la filayay inay ka dhacdo codbixintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi.