Goodax oo ku adkeystay in dowlada aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland

Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo wareysi siiyey VOA ayaa markale ku dhawaaqay in dowladda dhexe aysan shahaado siin doonin Ardayda Imtixaanka ku gashay Puntland.

Goodax Barre ayaa shaaciyey in ardayda aan-gelin imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaraddiisu aysan ku laheyn wax shahaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan u diyaar saneyn inay dadkeeda wax la qeybsato, si la mid ah dowlad goboleedyada kale.

“Puntland uma diyaarsana in ay Ardayda ka qaadaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka, Arrintaas ulama jeedno in aan diidanahay u madax banaanida qaadista Imtixaanka, balse waa isku mid guud ahaan Ardayda oo aan bixinta Deeqaha ku qiimeynayo kala sareynta, Sidee ayaan u qiimeynaa Arday aan Imtixaan ka qaadin”? ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada oo sii hadlayey ayaa sheegay in waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin go’aanka dowladda dhexe, balse ay kaliya ka soo horjeedaan madaxda Puntland, isaga oo shaaciyey inay ku doodayaan arrimo aan jirin.

“Waalidka iyo Ardayda waxa aan hubaa in ay ku qanacsan yihiin go’aanka Dowladda dhexe, madaxda Puntland waxaa muuqata in aysan u diyaarsaneen wax ka qaybsiga Walaalahood Soomaaliyeed, waxa ay ku doodayaan in duruusta ay qaataan ay ka duwan yihiin Ardayda kale”. ayuu markale yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca waxbarashada, gaar ahaan qaadista imtixaanaadka uu soo gala dhex-galayo dowladda federaalka iyo Puntland oo haatan isku haya dhanka siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, waxaana 2019-kii xiisada dhinaca waxbarashada ku baxay xildhibaanno, Senataro iyo Wasiiro oo xaliyey arrintaasi.