UK oo bogaadisay tallaabo ay qaaday SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa ayaa war kasoo saaray heshiiska ay shalay gaareen Xisbiyad mucaaridka iyo xukuumada Somaliland.

Danjire Stuart Brown ayaa sheegay inay dowlada Ingiriisku ay soo dhaweynayso heshiiska ay xisbiyada iyo xukuumadu ka gaaren khilaafkii dabada dheeraaday ee qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Mr. Brown ayaa tallaabadaasi ku macneeyay mid hore loogu qaaday qabsoomida doorashada oo uu khilaaf badan ka taagna muddooyinkii dambe.

Danjiraha ayaa sidoo kale is-dul taagay heshiiskaasi oo uu sheegay inuu cadeynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudeynta waqtiga kama dambaysta ah ee doorashada.

Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa shalay kala saxiixday heshiis cusub oo xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka, midkaasi oo si rasmi ah u badalaya midkii ay wada-gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan.