China oo dhoolatus millateri ka sameysay meel u dhow xeebaha Somaliland, kadib xiriirka ay la yeelatay Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan oo balaadhan ka sameeysay meel aan wax badan u jirin badda Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ee Somaliland, xili ay taagan tahay xiisada ka dhalatay xiriirka cusub ee Taiwan.

Shiinaha ayaa toddobaadkii hore dhoollatus milateri ka sameeyay gacanka cadmeed oo aan ka fogeyn biyaha Somaliland ee Badda-cas, Sida uu dhawaan baahiyay Telefishanka dowladda Shiinaha ee CCTV.

Saddex markab oo kuwa dagaalka ah ee dowladda Shiinaha ayaa dhoolatuskaasi lagu sameeyay, iyada oo ay bar-bar socdeen tababar ay ku tijaabinayeen cududdooda ay kaga hortagi karaan khataraha amniga iyo gudashada waajibaadkooda hawl-gallada milateri ee kala gedisan.

Dhoolatuska Millateriga Shiinaha ayaa loo arkaa mid hanjabaad nooc cusub ah oo ku socota Somaliland oo uu rumeysan yahay inay qeyb ka noqoneysa kala goynta dhul weynihiisa, wallow aysan labada arrin si rasmi ah iskula xiriirin dowladda Shiinuhu.

Sidoo kale waxa dadka ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda ay dhoollatuska Shiinaha ku macneeyen fal uu ku muujinayo cadhadiisa iyo diidmada xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland.

Shiinaha ayaa si adag uga horyimid xiriirka ay Somaliland la sameysatay Taiwan, oo uu aaminsan yahay inay tahay Jasiirad ka tirsan dhul weynihiisa, halka ay iyadu ku doodeyso inay tahay dal madax-banaan.

Xiisada ka dhalatay xiriirkaasi ayaa u muuqata mid kasii dareysa, maadama oo Shiinaha iyo Soomaaliya ay si wada-jir ah u wadaan qorshayaal ka dhan ah xiriirkaasi iyo kuwa diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan, oo labadoodu kala sheegtan.