Imaaraadka oo raba inuu soo nooleeyo xiriirka DF soona bandhigay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib muddo xiriirro qabow ah, Imaaraadka Carabta ayaa hadda waxaa uu raadinayaa in uu soo jiito Soomaaliya, isagoo u soo bandhigaya in uu dib u furo isbitaaalka Sheekh Zayed ee magaaladda Muqdisho, kaasi oo la xiray laba sano ka hor.

Warbixino ayaa sheegaya in Imaaraadku uu dib u soo celinta isbitaalka ku bedelanayo in Soomaaliya ay taageerto ku luglahaansha Abu Dhabi ee Yemen. Xukuumadda Abu Dhabi waxay arrinaan soo bandhigtay markii Golaha Kala-guurka ee Koonfurta Yemen oo Imaaraadku taageero ay qabsadeen Jasiiradda Socotra ee gacanka Caden 20-kii bishii June. Imaaraadku muddo ayuu indhaha ku hayay Jasiiraddan.

“Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu dib uga mid noqdo taariikhda wanaagsan ee Soomaaliya sababo badan dartood. Sababta ugu muhiimsan waxay tahay Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Socotra,” waxaa sidaas Al-Monitor u sheegay Maxamed Shire oo macalin ka ah Jaamacadda Portsmouth.

“Jasiiraddu waxay dhacdaa bartamaha mid ka mid ah kuwa ugu humiimsan kanaaladda ay marto saliidda caalamka, waxayna labadii sano ee lasoo dhaafay ahayd meel Imaaraadku ka ilaashado danihiisa militari iyo kuwiisa dhaqaale,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Shire.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan horay loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah.

Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya si uu cadaadis u saaro dowladda Soomaaliya, isla markaana ugu ciqaabo meesha dhex-dhexaadnimada ah ee ay  istaagtay khilaafkii Khaliijka.

Imaaraadku waxaa uu sidoo kale isku dayay in uu wiiqo saameynta Qatar iyo Turkigu ay Soomaaliya ku leeyihiin.

Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii.

In ay horumariso joogitaankeeda Geeska Afrika waxay Imaaraadka ka caawin doontaa in ay la socoto ganacsiga maraya marinka istiraatiijiga ah ee Baabel Mande, oo muhiim u ah shixnadaha badda ee caalamka.

Sidoo kale tani waxay xiriir la leedahay qabsashada Imaaraadka ee qaybo ka mid ah koonfurta dalka Yemen iyo Jasiiradda Socotra – kaas oo hadda uu doonayo in uu ku yeesho joogitaan military, si uu saameyn adag ugu yeesho Gobolka.

Weli Soomaaliya waxaa la sheegay in ay cambaareyso doorka uu Imaaraadku ku leeyahay dhulka Soomaaliyeed. Waxayna Soomaaliya hor istaagtay malaayiin dollar oo loo waday Somaliland bishii April ee 2018-kii. Waxaa la weriyay in Soomaaliya ay xirtay sirdoon Imaaraadka u shaqaynayay. Taasina waxay cuuryaamineysaa ujeedka UAE ee ah in ay saameyn xoog leh ku yeelato Geeska Afrika.

Markii uu caqabadas wajahay, Imaaraadku waxaa uu arrintiisa u bedelay mowqif qushuuc badan oo huwan sawir bani’aadanimo.

“Dhaq-dhaqaaq cusub ayaa ka jira Gobolka, waana in aan fursadaas la wareegnaa si aan u sameyno xal waara oo u adeegaya danaha dowladaha gobolka, isla markaana waafaqsan waxa ay dadkoodu filayaan,” waxaa sidaas yiri wasiirku dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash oo khudbad ka jeediyay Madasha Amniga Imaaraadka, bishii December sanadkii 2019-kii.

“Waxaan rumeysanahay  in qaabkaas uu ugu dambeynta door muhiim ah ka cayaari doono xasiloonida iyo horumarka ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Bishii Apri 14-keedi, Abu Dhabi waxay sideed tan oo gar-gaar Coronavirus ah u dirtay Muqdisho, iyadoo kaashaneysa hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Kadibana May 12-keedii, Maxamed bin Rashid Al-Makhtumi oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa gargaar kale gaarsiiyay caasimadda Soomaaliya.

Si kastaba, taas ka sokoow, Abu Dhabi weli waxaa laga yabaa in ay ku guul darreysto Muqdisho.

“Wax walba oo ay taariikhdu na tustay waxaan ka shaki sanahay in kaalmadda bani’aanimo ee Imaaraadku  ay soo saari doonto waxa ay ku talo-gelayaan,” ayuu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray.

Soomaaliya waxay diiday taageerada Abu Dhabi ee dib u furista isbitaalka Sheekh Zayed, waxayna cambaareysay doorka Imaaraadka ee dalka Yemen.

“Soomaaliya ma ahan qalab raqiis oo aad u isticmaaleysaan fulinta dalabkiina. Yemen waa deris iyo walaal waxayna leedahay madax-banaanideeda iyo sumcadda dadkeeda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay dalabka Imaaraadka. Waxuuna intaas ku daray, “Caalamku waa uu ogyahay in Socotra ay tahay dhul ay leedahay Yemen, muddo fogna waa ay ahayd,”

Wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya 9-kii June, ayuu Wasiir Cawad mar kale ku cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa aan loo ogolaan ee DP World ay ka wado Somaliland iyo Puntland oo uu ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ka digay in taasi ay keeni karto in uu sii xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Soomaaliya mar ayey taageeri jirtay Imaaraadka iyo xitaa xulifada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama dalka Yemen, Abu Dhabi waxay si cad u dooneysaa in taas dib usoo celiso.

“Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu taageeray xulifadda Carbeed. Taas waxay u sameeyeen ogolaansho toos ah si loogu isticmaalo hawada iyo biyaha wadanka iyo dhulkaba duqaymaha ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa Xuutiyinta ee Yemen.”  Aqoonyahan Maxamed Shire ayaa sidaas yiri.

“Dabcan, Xasan Sheekh xiriirkii dhowaa ee uu lalahaa Imaaraadka iyo Sucuudiga oo dhaqaale lagu daray ayey ahaayeen waxa aasaasiga ah ee ku dhirigeliyay, shaki kuma jiro taas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Turkiga iyo Qatar ayaa saameyn adag ku sameystay dowladda hadda ka jogta Soomaaliya oo uu hoggamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Muqdisho-na way isku haleyn kartaa. Sidaas darteed Imaaraadku waxaa uu u halgami doonaa in uu dhaqaale kusoo jiito Muqdisho.

“Xiriir soo celintaan dambe waxay imaaneysaa iyadoo ay soo dhowdahay doorashada Soomaaliya, waxayna noqon-kartaa kiis ay Abu Dhabi ku dooneyso in ay maamulka mustaqbalka boos ku yeelato, kaasi oo awood ku siin kara Soomaaliya,” Ayuu Cabdullahi Halakhe oo taxliiliya dowladnimada, amniga iyo nabadda Afrika u sheegay Al-Monitor.

“Si kastaba hadii ay taageeraan musharixiin kala duwan ama koox musharixiin ah – oo ay ka sameynayaan xulifo ka dhan ah madaxweynaha hadda taladda haya – waa ay radin karaan in ay boos ka sameystaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Halakhe.

“Iyadoo ay soo kordheyso carada ka dhanka ah joogitaanka Imaaraadka ee Jasiiradda Socotra eeYemen, Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu saameyn ku yeesho Soomaaliya si uu u xoojiyo sheegashada Jasiiradda” ayuu xusay Maxamed Shire.

“Taariikh ahaan Muqdisho si aan rasmi ahayn ayey u sheegan jirtay Jasiiradda, laakiin waxay si rasmi ah u sheegatay markii ay Soomaaliya ay 2010-kii ku dhaawaaqday aagga dhaqaalaha gaarka ah.” Ayuu yiri.

Waxaa uu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray “ Imaaraadku waxaa uu doonayaa in uu wax ka barto xeelada qaboojinta khilaafaadka ee Ruushku tijaabiyay. Waxay doonayaan in ay taas u maraan iyagoo kordhinaya muranka Jasiiradda ee u dhaxeeya Xuutiyiinta, Golaha Kala Guurka Koonfureed ee Yemen, dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Hadi iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kale kordhinaya saameyntooda siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.”