Maxay tahay sababta shirka dambe ee Dhuusomareeb looga reebay guddoonka BF Somalia iyo mucaaraadka?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada dalka oo xalay saq-dhexe laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob ayaa waxaa ku jiray mid lagu iclaamiyey shir 2aad oo Dhuusamareeb ka dhacaya, kaas oo kaliya lagu casuumay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Shirka oo looga hadlayo tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021 ayaa waxaa aan lagu marti qaadin guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo ay ‘muhiim tahay in laga qeyb-galiyo ka qeyb-galka shirarka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sababta looga reebay shirkaasi laguma shaacin, sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha weli kama hadlin marti-qaadka loo fidiyey, iyado oo ay xusid mudan tahay in horey madaxda maamul goboleedyada uga baaqdeen shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya ee lagu ballansanaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho,. intii u dhexeysay 5 illaa 8 bishan aynu ku guda jirno ee July sanadkaan 2020-ka.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliy, islamarkaana u warramay BBC-da ayaa xusay inay mudan yihiin guddoonka labada aqal iyo mucaaradka in laga tala-geliyo hannaanka doorashada, maadaama ay kamid yihiin saamileyda siyaasadda.

“Mar waliba qolada mucaaradka ah ee danta ka leh kursiga waa in ra’yigooda la helaa. Meelaha qaarkood guddiyada doorashada ayay xubno ku darsadaan, laakin anagu waxayaga way iska cusub yihiin. Marka waa in si uun loola tashado oo la yiraahdo xitaa haddii aydaan go’aanka gaareyn talada wax ka yeesha,” ayuu yiri Prof. Afyare.

Dhanka kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in u jeedada iyo sababta looga reebay dhinacyadaas shirka ay tahay sidii uu marka hore u qabsoomi lahaa shirkii baaqday ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, si ay uga wada-hadlaan xaaladda dalka iyo doorashada, kadibna ay xigi doonaan in shirarka kale oo laga soo qeyb-gali geli doono saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo guddoonka baarlamaanka.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey mucaaradka dowladda oo ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay ka digeen in dib u dhac ku yimaado doorashada 2020 illaa 2021-ka.