Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray go’aannadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga madaxdda dowlad goboleedyada dalka ee xalay lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in go’aamada ka soo baxay shirkaasi ay yihiin kuwa taarriikhi ah oo loo baahnaa.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in go’aamadaasi uu Golaha Aqalka Sare u arko kuwa guul ah oo heshiis dhab ah looga gaaro karo khilaafaadka ka jira dalka.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa loogu mahadceliyey Galmudug iyo shacabkeeda oo iyadu marti-gelisay shirkaasi.

Horey guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u waday dadaallo meel la’isugu keenayo madaxda goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka ee lagu mursan yahay, kuwaas oo bilaabanaya dhamaadka 2020-ka.