24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Norway oo naxdin galisay Boqolaal Soomaali ah (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Dowlada Norway ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu ay dib ula laabatay dhalashooyin ay siisay Soomaali farabadan oo dalkeeda Qaxooti ku ah.

Dowladu waxa ay qirtay in dad farabadan oo kasoo jeeda Qaarada madow ee Africa ay kala noqotay dhalashada waxa ayna sheegtay in dadkaasi ay sabab u noqdeen in laga qaado dhalashadooda.

Dowladu waxa ay sheegtay in tirro intaa kasii badan ay u diiday dhalashada halka qaarna ay iminka isugu yeertay si ay ugu cadeyso inaan lasiin doonin dhalashada ay sugayaan.

Sababta ugu weyn ee dadkaasi dhalashada loogala noqday ayaa ah in qaarkood la daba-galay boggagooda facebook, lana baaray magacyada ay isticmaalaan iyo sawirrada ay soo dhigaan facebook.

Sidoo kale, qaarkood ayaa lagu eedeeyey inay haysteen dhalashada dalal kale oo Afrikaan ah, oo aan Soomaaliya ahayn.

Arrintaani ayaa caqabad ku noqoneysa qaxooti farabadan oo Soomaali ah, waxaana jira in qaarkood ay iminka ku howlan yihiin xirista Faceboog-yadooda si aan looga tixraacin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News