Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan Taabanaysa ka jeediyay Munaasibaddii 18-May ee lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Khudbadiisa uga hadlay dhinacyo ay kamid yihiin Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha, Gooni isutaaga, Marxaladihii ay soo mareen, Horumarka IWM, waxa uuna sheegay in hamigooda ay ka mirro dhalinayaan.
Siilaanyo waxa uu sheegay in mar kale uu caalamka u sheegayo inay ka go’een Somalia inteeda kale, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay ku dhow-dahay inay hesho Ictiraafka ay dhowrka sanno raadineysay, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Soomaalida ay wada noolaan weyday sidaa aawgeedna ay mudan tahay inay kala noolaadan, isaga oo tusaale usoo qaatay Djibouti, Somalia-Ethiopia iyo W/bari Kenya.
Isaga oo arrintaasi ka hadlaaya ayuu yiri ”Waxaan qabaa haddii ay Somalia wada noolaan kari weyday, wuxuu caqliga fayoobi ina farayaa inay iskeed u kala noolaato, haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan in wax la kala yeesho. sidaa darteed, waxaan aaminsanahay in talo wanaagsan iyo tallaabo sax ah ay qaateen walaaladeena Soomaaliyeed ee ku kala nool Jabuuti, itoobiya iyo Kiiniya”
Waxa uu intaa raaciyay ”Waxaan jecelahay in aan ku hambalyeeyo himilada toosan iyo horumarka weyn ee ay gaareen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi”
Waxa uu ku daray ”Waxa habboon in aad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taal. Waxa habboon in aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin Dadka Reer Somaliland. waxaan cadeynayaa in Somaliland ay ka baxday Somalia inteeda kale”
Waxa uu intaa ku daray Siilaanyo ”Waxaan idin leeyahay Soomaaliyeey naftiina haku maaweelinina malo awaal iyo been aan misciriirtiina dhaafsiisnayn.Dadka iyo Dalka aan Odayga u ahay ee Somaliland idiinma soo socdaan oo way tashadeen, ee duco-qabayaal idinkuna isku tashada oo aan kala turxaan la’aano”
Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Dan Buu Reer Guuraa”, haddii aannu ahayn shalay kuwii midnimada doortay ee isku darkii labada dal ka dambeeyey, maanta waxaanu doorbidnay in aannu noqono dal gaar ah.
”Waxaannu dan moodnay in aynu kala noqono laba dal sidii aynu ahayn 56 sanno ka hor”
”Waxaanu doorbidaynaa in aynu noqono deris wanaagsan iyo gacal is-dugsada oo nabad iyo niyad sami abid ku wada noolaada”
Siilaanyo waxa uu tilmaamay in Adduun weynaha uu wali ku adkeysanaayo in Somaliland ay Somalia sii ahaato, balse waxa uu sheegay in Somaliland ay is moodo dal dadkiisii dhaqaajiyeen, islamarkaana aysan ka quusan doonin Ictiraafka.
Haddalka Siilaanyo ayaa badi ahaa mid taabanaayey kala rarashada oorta Somalia iyo Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

