Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay wakiilada beesha caalamka, madaxda dowladda federaalka iyo guddiga dib u eegista hanaanka doorasho, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana lagu gaaray is-afagarad ku saabsan xuquuqda gobolka Banaadir, sida ay ilo lagu kalsoon yihiin u sheegeen Caasimada Online.
Xildhibaano ka mid ah kuwii kulanka ka qeyb galay ayaa noo sheegay in beesha caalamka iyo dowladda federaalka ay isku dayeen in xubnaha baarlamanka ka socday ay kaa dhaadhiciyaan inaysan suurtagal ahayn in wax laga beddelo heshiiskii ay horey u garaeen xubnaha madasha.
Si kastaba, xildhibaanada ayaa beesha caalamka u sheegay, kana dhaadhciyey in caqliga saliimka ah uu diidayo in in ka badan laba milyan iyo bar qof oo Soomaali ah aysan wax matalaad ah ku yeelan aqalka saree e baraalamanka, waxayna ku adkeysteen go’aankooda.
Sida ay Caasimada Online xog ku heshay xubnihii beesha caalamka ayaa garowsaday mowqifka xildhibaanada, islamarkaana aqbalay in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare.
Waxaa sidoo kale beesha calaamka ay ogolaatay in maamul goboleedyada aysan wax kaalin ah ku yeelan magacaabista xildhibaanada aqalka hoose, islamarkaana loo daayo qabaa’ilada iyo odayaashooda.
Si kastaba, waxaan weli go’aan laga gaarin tirada gobolka Banaadir ku yeelano aqalka sare, wxaaana la sheegay in taas ay ka hadli doonaan madax dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayna soo go’aamin doonaan.
Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa lagu warramayaa inay weli diidan yihiin go’aanada xubnaha guddiga doorashada iyo beesha caalamka ay isla garteen.
Heshiiska doorashada, ayaa la filayaa in maalinta beri la horgeeyo xildhibaanada guud ee baarlamanka si cod loogu qaado, lamana oga waxa kasoo bixi doonaa
Wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa, insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

