Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.”
Trump ayaa yiri “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay Aqalka Capitol-ka, waxaana ku dhawaaqay xilliga dahabiga ah ee Mareykanka.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo wakhtigaas la qaaday tallaabooyin degdeg ah si loo xaqiijiyo xilliga ugu weyn, uguna guulaha badan taariikhda dalka Mareykanka, sida hadalkiisa uu u dhigay.
Trump wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay wax ka qabatay arrimo badan 43 maalmood gudahood ah, taas oo ka badan wixii ay inta badan xukuumadaha ku sameeyeen afar sano ama sideed sano, waana billow kaliya, isagoo balan qaaday talaabooyin kale oo deg deg ah.
Trump ayaa ilaa hadda, wuxuu saxiixay 76 amar fulineed, kuwaas oo qaarkood wajahaya loolan maxkamadeed.
Dhowr daqiiqo kadib markii Trump uu bilaabay khudbadiisa, waxaa hareeyey qaylo ka timid xubnaha Aqalka Wakiilada qaarkood ee Dimoqraadiga ah, taas oo keentay in afhayeenka Aqalka Wakiilada, Mike Johnson, uu amar ku bixiyo in laga saaro Al Green, oo ah xildhibaan Dimoqraadi ah oo ka soo jeeda Texas.
Trump wuxuu khudbadiisa sii waday, kadib markii Green laga saaray hoolka.
Trump wuxuu sidoo kale liiska ku daray dhowr ka mid ah amaradiisa fulineed, oo ay ka mid tahay in uu uga dhawaaqay xaalad degdeg ah xadka koonfureed ee dalka, isagoo u diray ciidanka Mareykanka iyo kuwa xuduudda si ay u joojiyaan duulaanka dalka lagu soo qaaday, sida uu yiri.
Isaga oo ka hadlayey daroogada la soo geliyo Mareykanka ayuu yiri, “Mareykanka wuxuu dagaal ku qaadi doonaa kooxaha daroogada ee Mexico.”
Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in uu hakad ku sameeyay shaqooyinka federaalka tan iyo markii uu ku laabtay Aqalka Cad, iyo sidoo kale inuu hakad geliyey kaalmada Mareykanka uu siiyo dibedda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga inay u codeeyaan canshuur dhimista uu qorsheynayo, isaga oo yiri, “Waan hubaa inaad u codeyn doontaan dhimista canshuuraha, sababtoo ah haddii kale, ma rumeysni in dadku marna idiin soo dooran doonaan xafiiska.”
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga, “Aan wada shaqeyno, oo aan dhab ahaantii mar kale ka dhigno America mid weyn.”
Trump wuxuu sidoo kale xusay inuu ka baxay Heshiiska Cimilada ee Paris, oo uu ku tilmaamay mid “cadaalad darro ah,” Ururka Caafimaadka Adduunka oo uu ugu yeeray “musuqmaasuq,” iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay “kuwa ka soo horjeeda Mareykanka.”
Madaxweynuhu wuxuu amaanay tallaabooyinka ay dowladdiisu qaaday, si loo yareeyo shaqaalaha Dowladda Federaalka, canshuuro culus oo ay ku soo rogtay dalalka dariska ah ee xiriirka ganacsi la leh, iyo cadaadiska ay dowladdiisu saarto Ukraine, si loo joojiyo dagaalka ay kula jirto Ruushka.
Intii uu Trump hadlayay, xildhibaannada Dimuqraadiga ah ayaa si cad u muujiyey sida ay isaga uga soo horjeedaan.