Odawaa ma u hiiliyay Qalbi Dhagax mise waa ka hiiliyay?

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ma rabo inaan kusii dheeraado qaabka uu Xildhibaan ku noqday iyo Hantidii Qaranka ee uu dad kale Xildhibaan uga dhigay, maadaama afartii sano ee uu kamid ahaa dadka talada u hayo Soomaaliya uu sameeyey wax kasta oo musuq maasuq lagu tilmaami karo.

Aan usoo gudbo dulucda maqaalka yar ee aan rabo inaan ka qoro hadalkii uu Maanta ka sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Hortooda ee u muuqday inuu ku difaacayo Qalbi Dhagax, waxaana maqaalkaan u kala qaadi doonaa laba qodob:

1) Ujeedka Hadalka iyo danaha ku qarsoon

Cabdiraxmaan Odawa wuxuu kamid ahaa odayaashii iyo Mas’uuliyiintii dowladdii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaan ninkii sababta u noqday in meesha laga saaro Xasan Sheekh Maxamuud markii uu lacagtii Hantida qaranka kusoo saaray Xildhibaano badan oo hadda ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeeyey in laga guuleysto Xisbiga Damul Dajadiid.

Sidaas darteed hadalka uu maanta ka sheegay Xildhibaanada hortooda wuxuu ahaa hadal siyaasadeysan oo uu ku doonayey in lagu qaldo Shacabka Soomaaliyeed isagoo muujinayo inuu ku garab yahay Qalbi Dhagax, waxaana muuqato inay soo baxeyn Siyaasiyiin badan oo ku qaraabanayo Kiiskaan xilli ay dantooda ugu dambeyso tahay in la rido Xukuumadda Soomaaliya si ay u helaan xilal.

2) Maxaa Caddeynayo inuusan Odawaa ku garab aheyn Qalbi Dhagax?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa horey liiska Guddigga Baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax ku daray Xildibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuusan diyaar u aheyn inuu qeyb ka noqdo Guddigaas.

Dad badan xilligaas ma fahamsaneyn sababta keentay inuu Odawaa diido ka qeyb noqoshada Guddigaas.

Muran la’aan, Odawaa mar kasta wuxuu diyaar u ahaa inuu ka hor imaado Natiijada kasoo baxdo baaritaankaas, maadaama uusan eedeyn karin guddi uu isaga kamid ah yahay waxay siyaasadda jirta fartay inuusan aqbalin xilkaas si ay ugu fududaato inuu Berri ka hor imaado.

Bal adiga is waydii, haddii uu Odawaa rabo inuu gargaar u fidiyo Qalbi Dhagax, maxaa u diiday inuu ka qeyb noqdo Guddigaas, isla markaasna uu soo ogaado xaqiiqda rasmiga ah ee jirto si uu Bulshada Soomaaliyeed ula wadaago ugana sheego sababta Qalbi Dhagax loo dhiibay iyo Cidda dhiibtay taasoo noqon laheyd arrin wanaagsan oo shacabka ku farxi lahaayeen laguna ogaan lahaa halka ay sheekada ka socoto.

Waxaa jirtay fursad weyn oo soo martay Odawaa oo uu ku difaaci karay Qalbi Dhagax, waxayna aheyd maalintii lagu daray Guddigaas, balse inuu waqtigaas u hiiliyo Qalbi Dhagax waxaa kala weyneyd inuu Maanta Baarlamaanka hortiisa eedeyn ugu soo jeedo guddigii shaqadaas soo qabtay ee waqti badan ku bixiyey.

Odawaa oo kamid ahaa Macalimintii Muqdisho lagu faani jiray waqti hore, ayaa maalin cad iska diiday inuu soo taabto xaqiiqda rasmiga ah ee Kiiska Qalbi Dhagax, waxaana wax kasta kala weynaatay inuu mar kale kasoo muuqdo Villa Somalia, Tollow Villa Somalia maxaa lagu arkay?!!. Anigu ma fahmin ee Akhriste adaa kuu daayey.

Haddii ay Odawaa dhab ka tahay garab siinta Qalbi Dhagax, wuxuu sameyn karay inuu Guddigaas qeyb ka noqdo isla markaasna waxaa maanta la weyn lahaa in lagu murmo ama shaki la geliyo cidda ka dambeysay Dhiibitaanka Qalbi Dhagax iyo Sababta keentay, balse inuu shacabkiisa ku caawiyo inay ogaadaan arrintaas wuu awoodi waayey, Maya Dan Siyaasadeed ayaa u duuday Mayee Wax kaloo qarsoon ayaa jiro.

Midda iigu yaabka badneyd ayaa aheyd markii aan codkiisa ka dhex maqlay isagoo dhahayo waxaan Alle hortiisa marqaati idinkaga dhigayaa inaan raali ka aheyn dhiibitaanka Qalbi Dhagax, waxaa si waydiin mudan markii uu sida qaldan u isticmaalayey Hantida Qaranka Alle marqaati kama aheyn miyaa?!! Midaas xisaabta Khiyaamo kuma jirto Miyaa? Cafis Miyaa? Ma ogi aniga!!!.

Inkastoo aan aniga taageersaneyn in Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, haddana waxa aan dhibsanayo oo laabta i huriyey ayaa ah in Kiiskaas lagu qaraabto oo lagu raadsado sumcad iyo Xilal iyadoo aan ujeedka rasmiga aheyn in wax loo qabto Muwaadinkaas.

Ugu dambeyntii waxaa is waydiin mudan: Odawaa ma u hiiliyay Qalbi dhagax mise waa ka hiiliyay?

W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi

Email: abdrizak1111@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid