Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Odayaal careysan ay maanta gaaren Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Odayaasha ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin Beelaha aan weli lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen Golaha Wasiirada oo Habeen ka hor uu ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona Odayaashaasi tiro aahntooda lagu sheegay 12 Oday.
Odayaasha ayaa ku doodayay in horay aysan u helin kaalinta ay ku lahaayen Baarlamaanka dalka, sidoo kale xubintii ay ku lahayen Golaha wasiirada lasiin.
Shariif Cabdulahi oo kamid ahaa Odayaashasi,ayaa sheegay in Madaxda Qaranka ay u diidan yihiin ahaanshaha Soomaali, maadaama aysan laheyn wax xuquuq ah, isagoona Tilmaamay in labada Gole aysan ku laheyn hal Siyaasi.
Waxa uu Carabka ku dhuftay in kaalinta Beeshooda iyo Beelo kale ay halkaasi ku dhuntay taasina aysan noqoneynin suuragal.
Odayaashani oo aan loo qaban wax muddo ah ayaa waxa ay maanta isku dayeen inay arrintaasi kala hadlaan Madaxweynaha balse nasiib daro ma aysan suuragalin inay la kulmaan Madaxweyne Xassan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho