Muqdisho (Caasimada Online) – 43 ka mid ah Xildhibaanada ugu cadcad beesha Hawiye ayaa shir xasaasiya ku yeeshay gurigga Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre.
Xildhibaanada Hawiye ee guriga Goodax Barre iskugu tegay xalay waxaa ka soo dhex muuqday Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo ganacsato miisaan culus ku dhex leh siyaasadda Somalia kuwaas oo laga xusi karo: –
Xildhibaanada waxeey isku raaceen in Muqdisho looga dhawaaqo kudlo Xildhibaano ah oo dhan 75 Mudane, kuwaas oo ku biiri doono 80-kii Xildhibaan ee horey ugu midoobay Golaha Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.
Tani waxa ay ku dhigan tahay in “Wa Shamsi” lagu ridi doono Xukumadda Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee waxa ay Xildhibaanada ku heshiiyeen in loo daadego gunto hoose oo ay kala jeedaan in Xukumadda kadib loo jeesto Madaxweyne Xasan Sheekh, si xil ka qaadis loogu sameeyo.
Waxa ay Xasan Sheekh ku eedeynayaan inuu noqday hogaamiyahii ugu wadaniyada iyo go’aanka xumaa ee taariikhda Somalia soo maro, uuna yahay shaqsi been badan oo Soomaalinimada ay kala weyn tahay inuu gumeeysiga Ethiopia raali geliyo.
Waxa kale oo ay madaxweyne ku haystaan inuu danta dalka iyo dadka ka door biday shaqsiyaad yar oo isaga saaxiib la ah, oo qof kasta oo ay u muuqato inay dalka ku fashilmeen, balse Xasan uu iska indha-tirayo.
Kacdoonkan cusub, waxa uu ka dhiggan yahay in Xasan Sheekh mar kale uu wajahayo xaalad cusub, oo xilkiisa uu ku weyn karo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com