25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

ODAYAAL iyo Mas’uuliyiin isaga baxay shirka ka socda magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Odayaal ka soo jeeda Beelaha dega Jubbooyinka ay isaga baxeen hoolka shirka uu ka socdo.

Suldaan Cabdi oo kamid ah Salaadiinta Gobolka Jubbooyinka oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shirka ay ka baxeen isla maalinimadii shalay.

Suldaan Cabdi waxa uu sheegay in shirka uu yahay mid ku kooban Maamulka KMG Jubba, dadka lagu marti galiyayna ay ahaayen kuwa la cadaadinaayo.

‘’ Shirka wajigiisa labaad waa mid ka duwan kii hore, kan waa mid u gaar ah Madaxda Maamulka KMG Jubba, dadka loo yeeray waa boos buuxis. Waa nasiib daro in DF oo goob jog ka ah shirka ay dadka ku fiirsato dhibaateynta iyo baalmarka heshiiska shirka loo yagleelay’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’dhowr beel ayaa ka baxay shirka waxaa kamid ah raga ka baxay gudoomiyihii garbahaarey iyo Odayaal kale’’

Sidoo kale, Suldaan Cabdi ayaa Tilmaamay in waxa meesha ka socda iyo wixii leysugu yeeray ay kala duwan tahay, waxa uuna Carabka ku dhuftay in waxa socda aysan ku qanacsaneyn xiligaani.

Dhanka kale, waxa uu tibaaxay Suldaanka in DF, Maamulka KMG jubba, QM, IGAD ay isla ogyihiin waxa ka socda Kismaayo, taasina ay tahay mid ka turjumeysa wakhti lumis lagu hayo Beelaha Jubba, sida uu hadalka u dhigay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News