Odayaasha Kismaayo oo carreysan iyo AXMED MADOOBE oo naas-nuujinaya beeshiisa (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaaya xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka KMG Jubba ayaa DF iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay faragalin kusoo sameeyan dhismaha Maamulka.

Nabadoon Cabdullahi Waamo oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in sida loo xulayo Barlamanka ay tahay wax aan horay loo arag oo cadaalada ka fog, waxa uuna Nabadoonku sheegay in DF Somalia iyo Beesha Caalamka ay soo faragaliyaan Xulista inta goori ay goortahay.

Cabdullahi Waamo waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada uu waajib ka saaran yahay inay soo faragaliso waxa ka soconaya Jubaland oo hadii aan wax laga qaban uu sheegay in arrinta ay meel xun cagaha la gali doonto.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu u xuubsiibanaayo in Beeshiisa uu ka naas-nuujiyo dhismaha, taasina aysan aheyn mid soconeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com