Odayaasha Kismaayo oo shaaca ka qaaday inay ka soo baxayaan Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya walaaca ku saabsan xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kadib markii ay kordheyn dilalka dadka ka soo horjeeda dowladda Jubbaland.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka amaanka ah islamarkaana aysan ku sii sugnaan karin Kismaayo ilaa ay ka imaaneyso xaalada ay dadka ku cabiraan aragtidooda islamarkaana la helo xoriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada doorashada.

Laba kamid ah Waxgaradka Kismaayo oo aan qarinay Magacyadooda ayaa noo xaqiijiyay in ay ka fikirayaan sidii ay Kismaayo uga soo bixi lahaayeen maalmaha soo socda sida uu qorshaha yahay.

Sidoo kale odayaashaan ayaa noo sheegay in aysan sahlaneen bixitaanka Odayaasha oo ay Jubbaland aaminsan tahay in ay Muqdisho uga gacan haatineyso Dowladda Soomaaliya balse ay sameyn doonaan wax kasta oo ay kaga soo bixi karaan Kismaayo.

“Kismaayo waxaa soo buuxiyey dhalinyaro Bastoolado wata oo dharcad ah oo dadka tooganaya” ayuu yiri mid kamid ah Waxgaradka Jubbaland.

“Iima muuqato sabab iyo xaalad aan usii joogno Kismaayo, waxaan rabnaa aan la baxsano Nafta yarta ah ee nagu jirto” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha aan la hadalnay oo doonaya in uu dhowaan ka soo baxo Jubbaland.

Maalmihii la soo dhaafay Kismaayo waxaa ka taagnaa xaalad cabsi ah iyo dilal ay fulinayaan kooxo ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan in la soo qabto.

Sidoo kale Kismaayo waxaa ka taagan kala aragti duwanaansho xoog leh oo ku saabsan qaabka xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland taas oo keentay in ay dareen ku beerto dadka isbadal doonka ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com