Yahuudi: Sida ay Maxamed Bin Salman iyo Bin Zayed ay taageero noo siiyaan xitaa ugama helno Yahuuda kale

New York (Caasimadda Online) – Aasaasaha Machadka Daraasaadka Yahuuda ee Mike Evans ayaa sheegay in Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Dhaxal sugaha Abu Dubai Maxamed Bin Zaid ay Israa’iil caawiyaan in ka badan inta Yahuuda ay caawiso.

Evans oo ka hadlayey shir ay soo qaban qaabisay The Jerusalem Post oo Maalintii Axadda ahaa ka dhacay New York ayaa sheegay inuu labadaan mas’uul la kulmay oo uu ku tilmaamay inay yihiin laba ka shaqeeya danaha Israa’iil.

Aasaasaha Machadka Daraasaadka Yahuuda ayaa sheegay inuu Maxamed Bin Salman la kulmay markii uu dhacay Dilkii Jamal Khashoggi, wuxuuna sheegay inuusan qiran dilka Wariyahaas sidoo kalana uusan inkirin, balse wuxuu tilmaamay inuu u sheegay in xataa uu Amiirka qalad geli karo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Yisrael Katz ayaa halkaas ka sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka ay iska kaashanayaan sidii xiriir wanaagsan loola yeelan lahaa Dowladaha Carabta oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ku shaqeeyo waxa lagu shubto sida uu isaga hadalka u dhigay.

Bishii February ayey aheyd markii TV-ga 13 uu sii daayey qeyb cusub oo kamid ah Barnaamijka “Xaqiiqooyin” oo loogu magaca daray ” Sirta Khaliijka” kaasoo lagu sheegay inuu aad usoo wanaagsanaaday xiriirka Israa’iil iyo Sacuudiga ka dhaxeeyo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman.

Waxaa lagu sheegay barnaamijkaas in xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil uu xaalad adag galay kadib dhimashadii Boqor Cabdullaahi bin Cabdulcasiis markaas oo uu xilka la wareeegay Boqor Salman.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska New York