Sawirro: Wasiirka ganacsiga DF iyo safiirka Turkiga oo dhowr arrimo ka hadlay

Nairobi (Caasimada Online)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xassan ayaa maanta la kulmay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia, Danjire Mehmet Yilmiz.
 
Wasiir Eng Abdullahi Ali Hassan iyo safiirka ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka dhaqan, dhaqaale ee labada dal ka wada dhaxeeya iyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga warshadeynta.
 
Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa kulanka isdhaafsiga kheyraadka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.
 
Safiirka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay muhiimadda heshiiska dhaqaale ee TEPA (TEBA Agreement) kaas oo ah heshiis dhinacyo badan taabanaya sida; Maalgashiga iyo Ganacsiga, heshiiskan ayaa labada waddan ka wada xaajoonayeen soona bilaabmay 2018.
 
Wasiirka ayaa safiirka ku ammaanay dadaalka dheeraadka ah ee uu Turkigu ka wado Somalia, waxaana dhanka kale uu wasiirku ballan qaaday inay halkaas kasii wadayaan xiriirka dhaw ee Wasaaraddu la leedahay dhiggeeda Turkiga.
 
Ugu danbeyntii, Wasiirka ayaa amaanay taageerada dowladda Turkiga, isagoo tusaale usoo qaatay xiligii adkaa ee uu booqashada Muqdisho ku yimid madaxweynaha Turkiga iyo mashaariicda baaxadda leh ee ay ka fuliyeen Somalia, haddana dalka ka wado mashaariic kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com