Agaasime ku xigeen cusub oo loo magacaabay Villa Somalia iyo awoodda Caato oo hoos loo dhigay (Xog)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Wareegta ayaa waxaan Eebe looga baryey inuu u fududeeyo wajibaadka shaqo ee looga igmaday, mana jirin faahfaahin dheer oo laga bixiyey magacaabista cusub ee uu sameeyey Madaxweyne Farmaajo.

Balse Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay xog faahfaahsan oo ku saabsan sababta keentay magacaabista Caddullaahi iyo xil ka awood dhimistii lagu sameeyey Agaasime ku xigeenkii guud ee Madaxooyada Cabdirisaaq Caato.

Cabdullaahi Shiikh Cabdikariim oo ah nin kasoo jeedo Beesha Biyamaal ayaa markii hore ku magacownaa Madaxa Howlaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey agaasime ku xigeenkii guud ee Madaxtooyada Cabdirisaaq Caato.

Waxaa arrintaas ka war helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo Cabdullaahi ku abaal mariyey in la dalacsiiyo, waxaana sidaas looga dhigay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa hadda yeelatay laba agaasime ku xigeen oo midkood uu awood dheeri ah leeyahay, halka midka kalana uu u muuqdo inuu yahay mid la go’doomiyey.

Cabdullaahi ayaa wuxuu hadda kadib la wareegi doonaa Maamulka iyo Maaliyadda Villa Somalia, wuxuuna noqonayaa agaasime ku xigeenka ugu awoodda badan Aqalka dalka looga taliyo.

Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Fuursade ayaa shaqadiisa u badnaan doontaa Maamulka Siyaasadda iyo Amniga, waxaana muuqato in shaqadii Cabdirisaaq Caato ay noqotay mid maqaar saar ah maadaama laga xayuubiyey dhammaan awoodihii uu lahaa.

Cabdirisaaq Caato oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr jeer oo hore lagu eedeeyey inuu ku takrifalay awoodii maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada, waxaana bilooyinkii dambe mushaar la,aan ahaa inta badan Shaqaalaha Villa Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay inuu jiro musuq maasuq dhanka Maaliyadda waana sababta ugu weyn ee loo dhiman awoodiisa.

Xafiiska Hanti Dhawrka ayaa lagu wadaa inuu inuu baaritaan ku sameeyo sida uu Caato u maamulay dhaqaalaha Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isbedello uu ku sameeyay maamulka Madaxtooyadda Soomaaliya kadib markii ay madaxtooyada hareysay musuq maasuq, waxaana horey loo badalay Agaasimihii Madaxtooyada Aamina Saciid iyo Agaasimihii Baratakoolka oo haatan ku sugan Dalka Malaysia.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com