Jubaland oo digniin u dirtay musharixiinta la tartameysa Axmed Madoobe

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa digniin kasoo saaray xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa doonaya inay tagaan magaaladaasi, waxaana looga digay inay sameeyaan falal amniga qalqal gelin kara.

Wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka digay in musharixiinta ay dacaayadeeyaan ciidamada amaanka ee xaqiijinaya amniga doorashooyinka Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Jubbaland marnaba uusan aqbaleyn in la carqaladeeyo amaanka magaalada Kismaayo, islamarkaana musharixiinta ay aflagaadeeyaan ciidamada Jubbaland.

Isaga oo sii hadlayaya Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Nuur ayuu sheegay in qof walba uu musharax u noqon karo Musharax u tartama Madaxtinimada iyo Xildhibaanada Jubbaland, balse aan laga aqbalayn in ay wado qaldan madaxtinimo ku raadiyaan.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ay eedeyn iyo dhaliilo ay u jeedinayeen Madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa muuqata in wali dadka ka qeyb galaya doorashada ka dhaceysa deegaanada Jubbaland aysan ku qanacsaneyn musharixiinta kala duwan, waxaana soo korortay amni daro ka jirto magaalada Kismaayo, iyadoo 48 saac ee lasoo dhaafay ay dilal ka dhaceen Kismaayo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com